Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa goordhaw lagu wadaa in uu isaga soo tago magaalada Dhuusomareeb oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa kadib markii uu fashilmay shirkii Wadatashiga..
Farmaajo ayaa lagu wadaa marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho in uu la kulmo Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka gaar ahaan kuwa taabacsan si uu ugu jeediyo khudbad aan wali si dhab ah loo ogeyn waxa ay salka ku heyso.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlayo Xildhibaanada labada aqal in mudo kordhin u sameeyaan Dowlada uu hogaamiyo kadib markii ay guul dareesteen dadaaladii xalka loogu raadinayay in doorasho dhacdo.
Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoonka golaha shacabka ayaa la sheegay in horey iskula fahmeen in mudo kordhin mudo sanad ah sameestaan si loo diyaariyo doorasho kale kadib markii ay fashilantay doorashadii horey loo qorsheeyay in ay ku dhacdo.
Siyaasiyiinta mucaardka ayaa marar badan ka digay qorshaha Madaxweyne Farmaajo ku doonayo mudo kordhinta, waxa ayna sheegeen in damaca Madaxweynaha ee ku aadan mudo kordhin ay dalka galin karto xasilooni daro.
Madaxweynaha Soomaaliya oo mudo xileedkiisa rasmig ah ku egtahay labo maalin kadib ayaana la ogeyn sida xaalka noqon doono maadaama mudo xileedka Madaxweynaha soo dhamaatay iyada oon laguda galin dooarshada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com