Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo ku eedeesay Dowlado shisheeye fashilka shirkii Dhuusomareeb

Shirkii maalmahan uga socday magaalada Dhuusomareeb madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaaday fashil kadib markii la isku afgaran waayay qodobada qaar.

Sida aan xogta ku helnay arinta la isku fahmi waayay uuna khilaafka xoogan ka taagnaa ayaa aheyd xiisada gobolka Gedo iyo cida maamuleysa doorashada Xildhibaanada aqalka hoose ee ka dhaceysa magaalada Garbahaarey.

Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo Warbaahinta kula hadlay Dhuusomareeb ayaa fashilka shirkaasi dusha ka saaray hogaanka sare ee maamulka Jubbaland.

Waxa uu sidoo kale sheegay Wasiirka in dowlado shisheeye oon rabin in dalka doorasho ka dhacdo sidoo kale xasilooni siyaasadeed galo gadaal ka riixayeen in shirka Dhuusomareeb guul dareesto.

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu wada ain ay isaga soo tagaan magaalada Dhuusomareeb kadib markii uu guul daro kusoo dhamaaday shirkii maalmaha badan u fadhiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo hal sabab awgeed xoojineysa amaanka xadka ay la wadaagto Itoobiya

Caydiid Ali

Dowlada Imaaraadka Carabta oo Fariin adag u dirtay Dowlada Turkiga

Cabdi Cade

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---