Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Beesha Caalamka oo Axmed Madoobe cadaadis ku saartay in uu joojiyo Shir Jaraa’id uu qaban lahaa

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in wakiilada beesha caalamka kuwooda ugu saameynta badan ay cadaadis ku saareen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe in uu joojiyo shir jaraa’id uu galabta qaban lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland oo isaga baxay shirka Dhuusomareeb kana soo horjeestay sida ay wax u socdaan ayaa Warbaahinta isugu yeeray si uu uga warbixiyo marxalada uu shirku marayo iyo khilaafka ilaa hada taagan.

Beesha Caalamka oo ka cabsi qabta in shirka Dhuusomareeb bur buro uuna sii socosha shirkaasi saameyn ku yeesho hadalada uu jeedinayo Axmed Madoobe ayaa si deg deg ah xiriir ula sameeyay iyaga oona ka dalbaday in uu dib u dhigo shirkiisa jaraa’id.

Sida aan wararka ku helnay Axmed Madoobe ayaana ka aqbalay wakiilada beesha caalamka in uu dib u dhigo shirkiisa jaraa’id, waxa uuna hor dhigay shuruudo dhoor ah oo hadii aan la fulin shaaciyay in warbaahinta la hadlayo runtana sheegayo.

Shirka ka socda magaalada Dhuusomareeb ayaa qarka u saaran in lagu kala tago, waxaana qodobka ugu adag ee shirka la isku mari la yahay uu noqday arinta gobolka Gedo oo Madaxweyne Farmaajo ka biyo diiday in maamulka gobolkaasi ku wareejiyo Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Xundubey oo banaanka soo dhigay arrimo xasaasi ah iyo DF oo shaaca ka qaaday..

Caydiid Ali

Wiil 14-sano jir ah oo Telfoon dartiis loogu dilay magaalada Jowhar

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Somalia ku casumay Sarakiisha ciidanka XDS (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---