Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Galgaduud oo la soo bandhigay

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa magaalada Dhuusamareeb ku soo bandhigey sarkaal la sheegay inuu qeybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Alshabaab kaasoo lagu magacaabo Xassan Cabdinuur daad (Careys).

Ninkan ayaa xalay lagu qabtey howlgal ciidamadu ka fuliyeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb isagoo dhaawac ah, waxaana howlgalkaas sidoo kale lagu laayey 8 ka tirsan Al-shabaab oo xiligaas hoobiyeyaal ku tuurayey magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa ninkan laga daaweynayaa dhaawac kasoo gaarey dagaalkii xalay, waxaa sidoo kale goobta la keenay gaarigii ay wateen, qori ah B10 oo ay adeegsanayeen, sidoo kale Ciidamada ayaa goobta ku soo bandhigey qoryo fudud.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/Guuto: Xuseen Xoosh Cali iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ay Wehliyaan Masuuliyiinta Maamulka Dhuusamareeb ayaa ku amaaney Ciidamada Gorgor ee howlgalkan fuliyay, sida ay uga hortageen qorshihii Alshabaab ee ahaa carqaladeynta Amaanka Magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo amar culus ka soo saartay dawooyinka dalka keeno

Caydiid Ali

Maxkamad ku taalla Itoobiya oo xukuntay Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka dowlada

Caydiid Ali

Cali Jeyte oo War cusub ka soo saaray dagaalka reer Hiiran kula jiraan Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---