Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa caawa mar kale weerar madaafiic ah ku qaaday magaalada Dhuusomareeb ay joogaan Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxda maamul goboleedyada.
Goobjooge ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa u sheegay Shabakada Allbanaadir in tiro madaafiic ah Al Shabaab kusoo tuureen magaalada Dhuusomareeb , waxa uuna xusay goobjoogahan in madaafiicda ku dhaceen qeybo kamid ah magaalada.
Madaafiicda kadib ayaa iska hor imaad xoogan waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan goobta Al Shabaa kasoo tuureen madaafiicda, waxaana Al shabaab weerar ku qaaday ciidamada dowlada oo halkaasi kusii diyaarsanaa.
Wasiirka Amniga dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyeyaasha howlgalka hoggaaminayay ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaas lagu dilay 8 ka mida kooxda Al-shabaab sidoo kalana gacanta lagu dhigay Gaadiidkii, Hoobiyihii iyo Hub fudud oo ay u adeegsanayeen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Waa habeenkii labaad oo Al Shabaab weerar madaafiic ah ku qaadaan magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ay xiligan joogaan Madaxda ugu sareysa dowlada iyo kuwa Dowlad goboleedyada kuwaa oo ka shiraya khilaafka doorashada ka taagan.
Madaafiicdan caawa lagu garaacay magaalada Dhuusomareeb iyo iska hor imaadka ka dhacay duleedka magaalada ayaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay, mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka Galmudug.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com