Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen James Swan & Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada?

Gudoomiyaha Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka Heer Federal Maxamed Xasan (Ciro) ayaa maanta kulan fogaan araga la yeeshay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan. Intii kulanku socday ayaa looga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Gudoomiyaha GHDHF ayaa warbixin kooban ka siiyay ergayga gaarka ah ee QM Soomaaliya, diyaar garawga hawlaha doorashooyinka dalka. Waxa kale oo Guddoomiye Cirro hoosta ka xariiqay in ka guddi ahaan ay diyaariyeen dhammaan howlihii farsamo ee loo baahnaa si dalka  doorasho uga dhacdo.

Dhanka kale, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa intii uu kulanku socday bogaadiyay howsha baaxadda leh ee ay gudiyadu qabteen.

James Swan waxa kale oo uu muujiyay in xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya markasta diyaar u yahay inay taageero buuxda ka gaystaan geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahadceliyay taageerida beesha caalamka ay marwalba la garab taagan yihiin dowlad dhiska Soomaaliya. Labada dhinac waxay rajo ka muujiyeen shirka Dhusamareeb in xal looga gaaro qodobada lagu kala aragti duwanyahay, dalkuna loo jiheeyo jawi doorasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Carro ka dhalatay dil ciidamada Nageria u geesteen haweeney Qareen Xaamilo aheyd

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga Israel oo dhaawacmay xilli uu kasoo laabtay goob Weerar ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo muddo labo bilood ah u qabtay Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---