Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in Janaraal Xuud uu lamid yahay kooxda Al Shabaab

Waxaa saakay dagaal kooban gudaha magaalada Baladweyne uu ku dhax maray ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah Janaraal Abuukar Xuud oo kasoo horjeeda maamulka cusub ee Hirshabelle.

Sargaal sare oo katirsan ciidanka milatariga dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Janaraal Abuukar Xuud iyo ciidamada uu ku heesto duleedka magaalada Baladweyne ay la mid yihiin kooxda Al Shabaab.

Taliye Kuxigeenka Qeybta 27aad ee Millateriga Soomaaliya Janeral Saalax Yaaquub ayaa ku eedeeyay Janaraal Xuud iyo ciidankiisa in saakay weerar kusoo qaadeen ciidanka milatariga oo ku sugnaa magaalada Baladweyne.

Waxa uu sheegay taliyahan katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya in Xuud iyo ciidankiisa aysan waxba ka duwaneyn kooxda Al Shabaab ayna ula la dagaalami doonaan sida Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in ciidamada wadaan howlgalo kooxdaasi ka dhan ah.

Warkan kasoo baxay sargaalkan katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaan la ogeyn in ay la qabto dowlada federaalka , waxaana Janaraalkan gadoodka ah iyo ciidamada taabacsan oo jooga duleedka Baladweyne kasoo horjeedaan kaliya maamulka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/xakiin Camey oo ka soo horjeestay go’aanadii dowlad goboleedyada ee Garowe

Caydiid Ali

Ugaaska Beesha Murusade oo Muqdisho loogu qabtay Munaasabad Duco iyo Sagootin ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Sargaal loo heestay dilka Madaxweyne Sheikh Mujibur Rahman oo la dal dalay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---