Allbanaadir.com
NEWS

Nin hubeysan oo goor dhow toogasho ku dilay askar ka tirsan Booliska Belgium (Daawo Sawirro)

Toogashada ayaa ka dhacday magaalada ku taalla bariga dalkaasi ee Liege sida ay ku waramayso warbaahinta dalkaasi.

Booliiska dalkaasi ayaa sheegay in ninka weerarka geystay waxyeeladiisa la xadiday islamarkana ay imika xaaladda tahay mid la xakameyay .

Wararka ayaa sheegaya in qofka weerarka looga shakisan yahay uu afduubtay haweeney, ayna is haleeleen Booliska oo ku daba jiray.

Booliska ayaa u sheegay warbaahinta gudaha Belgium in ninka hubeysan ee toogashada geystay uu ku qeylinayay (Allahu Akbar).

Lama oga ilaa imika in haweeneydaasi ay waxyeelo soo gaartay, xaaladda ninka weerarka gaystay uu ku sugan yahay iyo ujeedada uu ka lahaa, balse waxaana wali soo baxaya faahfaahino dheeraad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gaaskii ugu badnaa abid oo laga helay Deegaan ay Soomaali leedahay

Cabdi Cade

Labo qof oo talaalka cusub ee Coronavirus ugu dhintay dal ka tirsan Yurub

Caydiid Ali

Ciidamada Ahlu sunna oo qaaday talaabo ka careysiin karta dowlada federaalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---