Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday in dalkeeda ay ka mamnuucay inay soo galaan muwadiiniinta illaa 20 dal si looga hortaggo fiditaanka cudurka COVID-19.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafayay sare u kacayay kiisaska cudurka Koroona ee dalka Sucuudiga iyadoo dowladda ay diiwaangelisay in ka badan 368,000 oo kiisas ah iyo dhimashada 6,400 qof.
Wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ayaa ku warrantay in xayiraadda ku meel gaarka ah ee lagu soo rogay dalalkaas ay si rasmi ah u bilaabaneyso maanta.
Waxaana ka mid ah Imaaraatka Carabta, Jarmalka, Mareykanka, Britain, Koonfur Afrika, Faransiiska, Masar, Lubnaan, Hindiya, Pakistan iyo dalal kale.
Go’aankan wuxuu sidoo kale saameyn doonaa dadka soo mara dalalkaas ee doonaya inay galaan Sucuudiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com