Allbanaadir.com
NEWS

UEFA oo baaraysa sida dhaawacu u gaaray Max’ed Saalax & Sergio Ramos oo lagu qasbay inuu..

Xiriirka kubbadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ka fiirsanaya suurtogalnimada in uu bilaabo baadhitaan ku saabsan dhaawaca gaadhay xidigga Liverpool, Maxamed Salaax, ee ku dhaawacmay mar ay isku dhaceen isaga iyo Sergio Ramos oo ah kabtanka kooxda Real Madrid ciyaartii kama dambasyta ahayd ee tartanka horyaalka Yurub.

UEFA ayaa sheegtay in gudiga anshaxu dhacdadaa eegayey laga billaabo markii ciyaartu dhamaatay habeenimadii Sabtida.

Hase ahaatee af-hayeen u hadlay UEFA ayaa sheegay in aanay weli soo gaarin cabasho rasmi ah oo ka timid kooxda Liverpool iyo Salaax toona.

Maxamed Salaax ayuu dhaawacu ka soo gaaray ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka horyaalka Yurub ee ay iskaga hor yimaadeen kooxdiisa Liverpool iyo Real Madrid oo guushu 3-1 ku raacday.

Dhinaca kale, Sergio Ramos ayaa lagu qasbay inuu xiro boggiisa whatssup ka dib markii kumanaan qof oo isugu jira carab ay afrikaan ay cambaareyn iyo aflagaado ugu soo direen, iyagoo ku eedeynayaa inuu si ulakac ah dhaawac ugu geystay Maxamed Saalax.

Xiriirka Midowga Yurub ee ciyaarta Judowga ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu maanta ku caddeeyay in mid xitaa ka mamnuuc ah Judowga iska daa kubadda cagte farsamadii uu Daafaca kooxda Real Madrid iyo xulka Spain, Sergio Ramos u adeegsaday Weeraryahanka Liverpool iyo xulka Masar, Mohamed Salah ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Koobka Horyaallada Yurub.

Xiriirku wuxuu sheegay in qaabkaasi uu Ramos u xiray garabka Mohamed Salah lagu magacaabo ‘Waki Gatame’, taasoo ah hab aad khatar u ah oo ka mamnuuc ah ciyaarta Judowga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah Engineerada Markabkii la qafaashay oo cafis ka dalbaday Hooyadiisa

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Cabdi Cade

Guddoomiye ku xigeenka BFS oo faahfaahisay qaabkii looga soo celiyey Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---