Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi iyo James Swan oo arimo muhiim ah kawada hadlay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, Ambassador James Swan iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqaynta  Somaliland iyo qaramada midoobay, qorsheyaasha iyo barnaamujyada hay’adaha qaramada Midoobay salka u noqon doona.

Maamulka Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay uga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale, waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo taageerada qaramada midoobay ka gaysan karto.

Dhinaciisa, ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay waxa uu ku bogaadiyey xukuumadda, Axsaabta qaranka, Komishanka doorashooyinka qaranka iyo shacabka Somaliland sida ay diyaarka ugu yihiin, uguna midaysan yihiin qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka.

Ugu dambayn, waxa kulankaas diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo horumarka mandaqadda geeska Afrika iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto Somaliland.
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay waxa wehelinayey madaxda hay’adaha qaramada midoobay ee WFP, UN Women, UNHCR iyo masuuliyiin kale oo katirsan xafiisyada qaramada midoobay ee Somaliland.

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Related posts

Hal Arin Hadii Soomaaliya laga helo waxaa suurto gal ah in la helo amni  

Cabdi Cade

Dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish-ta Somalia oo cirka laga duqeeyey

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo War kasoo saaray Heshiiska Farmaajo iyo Uhuru

admin
Taboola Ads ---