Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo ka hadashay Dib u dhaca ku yimid Furitaanka Shirka Dhuusomareeb

Waxaa maanta oo arbaco ah lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb ka furmo shirka wadatashiga ee yeelanayaan Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.

Shirkan ayaana looga arinsanayaa khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo hirgalinta iyo xoojinta heshiiskii horey Doorashada looga gaaray 17-da bishii  September ee sanadkii hore  2020.

Sida uu qorshuhu ahaa shirkan ayaa lagu waday in uu furmo 1-da bishan sida uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya, hasa ahaatee shirka ayaa labo maalin dib u dhacay sababo dowlada ku sheegtay mid farsamo.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dib u dhaca markii labaad shalay ku yimid furitaanka shirka wadatashiga uu ku yimid arimo farsamo iyo madaxda qaar oo soo daahday.

Waxa uu sheegay Wasiirka in shirka maanta galinka hore uu furmi doono, waxa uuna Cismaan Dubbe rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan kasoo bixi doonaan heshiis iyo is afgarad laga gaaro doorashada.

Shirkan maanta ka furmaya magaalada Dhuusomareeb ayaa rajo laga qabo in heshiisyo muhiim ah kasoo baxaan aad u yar yihiin, waxaana shirka Madaxda isugu tageysa wali ku kala aragti duwan yihiin qodobo dhoor ah ay ugu weyn tahay gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo Baaq kasoo saartay Dagaal u dhaxeeya beelo kala dega Puntland iyo Galmudug

Cabdi Cade

Gaadiidka Dhismaha iyo Injineero u dhashay dalka Masar oo gaaray Gaza (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Boqortooyada Sacuudiga oo Ajaaniibta ka joojisay in Cumro u yimaadaan dalkeeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---