Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidamada Haramcad iyo NISA oo la dhigay degaan lagu arkay Al-Shabaab

Ciidamada Booliiska gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka NISA oo aad u hubeysan ayey dowlada Somaia u dirtay Degaanada u dhexeeya Dhuusamareeb iyo Ceel-lahelay oo ka tirsan gobolka Galgaduud ka dib markii lagu arkay halkaas xubno ka tirsan Al-Shabaab

Sida wararku sheegayaan ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa fariisimo ka sameystay degaanada la geeyay, halkaasoo ay ka wadaan howlgallo.

Al-Shabaab ay bilihii la soo dhaafay xoojisay weerarada ay ka wado degaanada hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Xalay ayey aheyd markii Al-shabaab ay hoobiyeyaal ku weerareen Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne Farmaajo, RW Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay deegaanno Al Shabaab ku sugnaayeen

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Wasiiradda xukuumadda cusub oo maanta xilka la wareegay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirad Fowsiya oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey dalka ee COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---