Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Afrikaan ah oo ka carootay raxan Dameero ah oo loogu deeqay

Wasiirka beeraha ee Burundi ayaa amray in la karantiilo toban dameer oo laga iibiyey deeq ay bixisay dowlada Faransiiska.

Dameerahan ayaa laga soo dhoofiyay Tanzania waxayna qayb ka ahaayeen qorshe la doonayay in carruurta iyo dumarka lagaga caawiyo dalaga beeraha ee ay qaadaan marka ay suuqag aynayaan, biyaha iyo xaabadana ay ku qaataan.

Masuuliyiin reer Burundi ah ayaa sheegay in Faransiisku uu meel uga dhacay qaranka marka uu ku deeqay dameerahan oo magacooda Faransiiska marka la turjumo u dhigma doqonnimo.

Dadka arrimahan la socda ayaa sheegaya in in arrintan ay jawaab u tahay dhaliishii uu Faransiisku dhawaan soo jeediyay ee ku aadanayd aftidii dhawaan u ogolaatay in madaxweyne Nkurunziza uu xilka sii hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney dil ay u adeegsatay xarig maanta Muqdisho ugu geesatay ninkeeda oo askari ahaa

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Kulan Wadatashi ah la Yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Birmingham (Daawo Muuqaal)

admin

Madaale oo kulan isla xisaabtan ah la qaatay Maamulada labo degmo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---