Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Digniin culus oo laga bixiyey xaalada gobolka Tigray ee dalka Itoobiya

Madaxa Hay’adda Qaxootiga aduunka ee UNHCR Filippo Grandi ayaa sheegay in gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigray ay ka jirto xaalad aad u liidata oo haysata dadka halkaas ku nool.

Grandi ayaa booqosho ku tagay gobalkaas oo dagaallo ay ka dhaceen bishii November ee sanadkii la soo dhaafay.

Kumanaan qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay isku dhacyadii halkaa ka dhacay halka malaayiin rayid ah oo ay ku jiraan ku dhowaad boqol kun oo qaxooti Eritariyan ah oo ku noolaa afar xero oo ku yaal gobolkaas ay saameyn ku yeesheen.

Filippo Grandi aya ku baaqay in dadkaasi loo fidiyo taageero gargaar oo degdeg ah, isagoo intaa raaciyay in xaaladda dadkaas ay ka sii dari karto haddii aan loo gurman.

Booqasho uu ku tagay dalka Itoobiya Mr Grandi ayuu kula kulmay mas’uuliyiin sarsare oo uu ka mid yahay Raisal wasaare Abiy Ahmed isagoo kala hadlay xaaladda bini-aadanimo ee halkaa ka jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Weerar ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Garoowe

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxay ku heshiiyeen madaxda Maamulada Hirshabelle & K/Galbeed?

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis dan u ah Dalkeenna (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---