Maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu rag ganacsato ah ka iibiyey dhulka ay ku fadhido xaruntii Waaxda Oktoobar ee degmada Waaberi sida ay allbanaadir Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Xaruntan oo ah hanti dowladeed ayaa waxaa horey u soo celiyey Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Marxuum Eng. C/raxmaan Yariisow ka dib markii Maamuladii isaga ka horeeyey ay ka iibiyeen rag ganacsato ah.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Waaberi oo magacooda ka gaabsaday ayaa Allbanaadir online u sheegay in markii uu geeriyooday Eng. Yariisow uu mar kale damac soo soo galay ganacsatadii laga soo celiyey dhulka ay ku fadhido xarunta Waaxda Oktoobar, kuwaasoo mar kale ku guuleystay in si sharci daro ah loogu wareejiyo xaruntaas.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa la sheegay inuu arrintan ku lug leeyahay, uuna amar ku bixiyey in ganacsatadan lagu wareejiyo xaruntaas dowladeed ee loogu talo galay in bulshada loogu adeego, iyadoo la tuhunsan yahay in lacago badan oo laaluush ah la kala qaatay.
Xarunta Waaxda Oktoobar ee degmada Waaberi ayaa ku taalla goob istaraatiiji ah oo ku haboon ganacsiga, waxaya kaabiga ku heysaa Suuqa beerta iyo wadada Via Liberia, waana taas sababta ganacsatadan ay u daba taagan yihiin in xaruntan loogu talo galay danta guud ay u adeegsadaan danahooda gaarka ah.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo allbanaadir online ay wax ka weydiisay arrintan ayaa xaqiijiyey in xaruntii waaxda Oktoobar ee degmada Waaberi lagu wareejiyey rag ganacsato ah, sababta keentay wey ka gaabsadeen balse waxay ku andacoodeen inaan la iibinin dhulkaas, balse ganacsatada laga kireeyey muddo 30 sanadood ah.
Xaruntii Waaxda Horseed ee degmada Waaberi ayaa waxaa muddo sanado ah fariisin ka dhigtay ciidamo ka tirsan Nabad sugida Somalia, waxaana xarunta waaxda Oktoobar ee haatan ganacsatada lagu wareejiyey ay noqoneysa xaruntii labaad ee ka maqan gacanta maamulka degmada Waaberi sida uu sheegay maamulka degmadaasi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ku fashilmay dhameystirka dedaal la doonayey in dib loogu soo celiyo Suuqii Cali Boolay ee degmada Waaberi, kaasoo uu waday Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir marxuum Eng. Yariisow ka dib markii Maamuladii hore ee gobolka ay suuqaas danta guud ah si musuqmaasuq ah uga iibsadeen shaqsiyaad.
“Waa nasiib daro in Guddoomiye Cumar Filish oo looga fadhiyey inuu soo celiyo dhulalka maqan ee danta guud ah, inuu si musuq ah u bixiyo dhulal kale oo dan guud ah, waxaana ka codsaneyna madaxda sare ee DF iney arrintan soo fara geliyaan” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka ku nool degmada Waaberi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com