Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sidee Madaxweyne Farmaajo & wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhow ka degay Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo masuuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyey garoonka ku soo dhoweeyey wafdiga Madaxweynaha oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Socdaalkan galabta Madaxweyne Farmaajo  ku soo gaaray Dhuusamareeb ayaa la xiriira ka qeyb galka shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo la filayo inuu barri si rasmi ah uga furmo halkaas.

RW Rooble iyo Madaxda dowlad goboleedyada Koonfur galbeed iyo Hirshabelle ayaa saacado ka hor gaaray magaalada Dhuusamareeb, iyadoo madaxda kale ee dowlad goboleedyada la filayo iney halkaas ka gaaraan illaa maalinta beri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo Jawaab kulul ka bixisay qoraalkii ka soo baxay Madaxtooyada Somalia

Caydiid Ali

Dagaal dhimasho geystay oo caawa ka dhacay Gaalkacyo

Caydiid Ali

Biyo Midab gaduudan leh oo ku fatahay deegaan kuyaala dalka indonesia (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---