Allbanaadir.com
NEWS

Cabdirashiid Janan oo shaaciyay tirada Ciidamada looga qabtay dagaalkii Beled Xaawo

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo Wareysi bixiyay ayaa ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay Degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ,dagaalkaas oo ciidamo badan looga qabtay maamulka Jubbaland.

Cabdirashiid Janan ayaa qirtay in dagaalkii ka dhacay degmada Beled Xaawo looga qabtay qaar kamid ah ciidamadii u dagaalamayay sidoo kale ay jiraan ciidamo kale oo isku dhiibay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu beeniyay Cabdirashiid Janan in dagaalkii Beled Xaawo looga qabtay boqolaal askari oo katirsanaa ciidankiisa, waxa uuna xusay in dagaalka looga qabtay 16-askari sidoo kale is dhiibeen 21-askari oo kale.

”Anaga ciidan 37 qof ah ayaa 16 ka mid ah la qabtay inta kalana ay is dhiibeen, laakiin labo boqol iyo boqol midna nagalama qaban, warka meelaha laga sheegayo waa been ” ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubbaland.

Cabdirashiid Janan ayaa qirtay in dagaalkii ka dhacay degmada Belad Xaawo looga adkaaday, waxa uuna xusay in markii hore magaalada qabsadeen balse ka baxeen markii khataro amni soo food saareen.

“Talagalkeenu ma ahayn inaan ka laabano magaalada, laakiin way dhacday in laga laabto oo ay ciidankii dib u laabtaan saacado kadib xaalado dhacay awgeed,  waxaana dareenay in ciidamadeen ay khataro badan wajahayaan, sidaas ayayna uga baxeen” ayuu yiri Janan.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa beeniyay in uu ku sugan yahay gudaha dalka Kenya gaar ahaan Mandheera, Waxa uuna sheegay in isaga iyo ciidamadiisa ay joogaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Dhuxun Dhurwaa ee duleedka Beled Xaawo.

Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaalkii degmada Beled Xaawo ku qabteen in ka badan 200-askari oo katirsanaa ciidamada Jubbaland kuwaa oo hada la geeyay xero ciidan si loo qarameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo gaadiid ku wareejisay labo dowlad Goboleed (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiye Cali Jeyte oo shaaciyay in Madaxda Al Shabaab carruurtooda Nolol fiican ku jiraan

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo dalka ku soo laabtay, xarumo Muhiim ahna kormeeray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---