Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada oo War kasoo saartay Weerarkii Hotel Afrik iyo Khasaaraha ka dhashay

Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa ku guuleestay in saacado badan kadib ay soo afjaraan weerarkii Al Shabaab ku galeen Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada toogteen sadex kamid ah afar dagaalyahan oo weeraray Hotelka halka midka afaraadna uu is qarxiyay kahor inta aysan ciidamada toogan.

Dowladda Soomaaliya, warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in weerarka Al Shabaab ku qaadeen dhismaha Hotelka Afrik lagu dilay shan qof uu ku jiro General Maxamed Nuur Galaal, oo kamid ahaa saraakiishii hore ee milatariga Soomaaliya.

Dowlada ayaa sheegtay in Al Shabaab caadeysatay waxyeelada dadka rayidka ah, kadib markii ciidamada dowladdu kaga adkaadeen furimaha dagaalka, iyadoo laga qabsaday goobo badan, isla markaana inta badan madaxdooda lagu laayay duqeymo cirka ah.

Warka kasoo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in Ciidamada amniga Soomaaliya qeybahooda kala duwan aysan marnaba ka daali doonin la dagaalanka iyo soo afjaridda kooxaha argagixisada

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo hawada ka saartay Mid ka mid ah TV-yada Soomaalida & Xog ku aadan sababta

Caydiid Ali

Caro xoogan oo ka dhalatay Jirdil booliiska Kenya u geesteen Arday Jaamacadeed

Cabdi Cade

Taksiile maaro looga waayey kufsiga haweenka gaarigiisa raaca oo xukun adag lagu riday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---