Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hogaamiyaha Tigrey oo mudo kadib fariin soo diray iyo Dowlada Itoobiya oo ka hadashay

Hogaamiyaha baxsadka ku jira ee maamulka Tigrey Debretsion Gebremichae, ayaa mudo kadib markii laga awood badnaaday maamulkiisa soo diray fariin uu ku sheegayo in ciidamada federaalka tacadiyo ka geesteen gobolka Tigrey.

Fariin uu soo diray Debretsion Gebremichae, ayuu ku sheegay in ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa Eritrea tacadiyo iyo xasuuq baahsan ka geestaan deegaanada Tigrey, waxa uuna ugu baaqay beesha caalamka in ay baaraan.

Hogaamiyaha maamulka la wiiqay ee Tigrey ayaa sheegay in hogaamiyaal iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulkiisa dileen ciidamada federaalka, waxa uuna shaaciyay in ay jiraan tadaciyo badan oo ciidamada geesteen.

Dhinaca kale Afhayeen u hadashay dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in fariinta uu soo diray hoggaamiyaha TPLF, lagu doonayo in lagu qariyo dambiyada dagaal iyo tacadiyada kale ee geestaan kooxaga TPLF.

Gobolka Tigrey waxaa ka dhacay dagaalo lagu hoobtay oo lagu jabiyay Jabhada TPLF, waxaana gobolkaasi inta dagaalada ka socdeen la sheegay in ay ka dhaceen tacadiyo badan ay geesteen labada dhinac ee dagaalamayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Xoogga dalka oo ka hadlay iska horimaad culus oo galabta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo Dhuusomareeb ku xiray Masuul katirsanaa Kooxda Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Hooyo iyo Ninkeeda oo dil argagax leh u geestay gabar yar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---