Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Wasiirka Amniga iyo Taliyaal ciidan oo Kormeeray Koontaroolo kuyaala Daafaha Muqdisho

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale  ay wehliyaan Taliyaasha ciidanka Booliiska , Asluubta iyo saraakiil ciidan ayaa maanta kormeeray koontaroolo yaala Muqdisho iyo Daafaheeda.

Wasiirka iyo Saraakiisa ciidan ee la socotay ayaa u kuur galayay sida ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Xasilinta u sugayaan amaanka Koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ee ku sugan Kuuntaroolada yaala duleedka Muqdisho ayaa Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha kale waxa ay gaarsiiyeen afur iyo sidoo kale jaakadaha laga xirto qabowga.

Wasiirka iyo Taliyaasha ciidan oo waqti la qaatay ciidamada ay ku booqdeen Koontaroolada magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku dhiiro galiyeen sida ay u sugayaan amaanka heegana ugu jiraan.

Ciidamo katirsan Xasilinta ayaa ku sugan Koontaroolo yaala magaalada Muqdisho iyo Duleedkeeda, waxa ayna ciidamadan isku dayaaan in ay sugaan amaanka Muqdisho xili ay sii kordhayaan dilalka qorsheesan ee ka dhacay gudaha Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay taliska Milateriga Mareykanka ee jooga Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo taleefoon kula hadlay Tan Chuan-Jin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---