Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

James Swan iyo Wefdi la socday oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo (Daawo Sawirada)

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo, waxaana garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madax katirsan maamulka Jubbaland.

James Swan iyo wefdiga la socday ayaa soo dhaweynta kadib loo galbiyay xarunta Madaxtooyada maamulka Jubbaland halkaas uu kula kulmi doonaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa diirada lagu saari doonaa khilaafka ka taagan doorashada iyo sidii Madaxweynaha Jubbaland uga qeyb gali lahaa shirka la filayo in uu ka furmo magaalada Dhuusomareeb.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa booqashooyin kala duwan ku tagay xarumaha maamul goboleedyada dalka, waxa uuna kulamo la qaatay Madaxda maamulada uu kala hadlay khilaafka doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo magacaabay guddiga qaban qaabada Ololaha doorashada ee…

Cabdi Cade

Wasiir faahfaahin ka bixiyey Madaafiic ku dhacday Madaxtooyada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shan Musharax oo maanta isku diiwaan geliyey doorashada gudoonka golaha shacabka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---