Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Monica Juma oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray dowlada Soomaaliya

Wasiirka gaashaandhigga Kenya Monica Juma ayaa ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray DF ee ahaa ineysan kalsooni ku qabin ciidamada Kenya ee jooga Somalia, iyadoo xiriirka labada dal uu hataan marayo heerkii ugu xumaa.

Monica Juma ayaa sheegtay xiriirka ay Soomaaliya u jartay Kenya aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aanka ciidamada AMISOM ku joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo ay qeyb ka yihiin ciidamada Kenya.

“In Ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya xilligaan ma go’aamin karno waa inuu ka yimaadaa Midowga Afrika, mana ahan mid quseeya xiriirka xumaaday ee labada dal.” ayey tiri Monica Juma

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Munica ayaa sidoo kale sheegtay in go’aanka kama dambeysta ah ee ciidamada Kenya looga saarayo Soomaaliya ay waajib tahay inay qaraar ku ansixiso Qaramada Midoobay.

Kumanaan askari oo Kenyan ah ayaa qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee jooga gudaha Soomaaliya, kuwaasoo weerarro dagaalo adag kula kooxda Al-Shabaab ee diidan jirtaanka dowlada Somalia iyo joogitaanka ciidamada shisheeye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad ku dageysay Qansax Dheere oo rasaas lagu furay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Gabar Dhaqan wanaaga Saaxiibteed oo Muslimad ah awgeed Islaamka ku noqotay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka gobolka Banaadir & Wasaaradda Waxbarashada Somalia oo kala saxiixday heshiis (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---