Wasiiru dowlihii hore ee Cadaaladda Jen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sharci ku tilmaamay xil ka qaadistii Madaxweyne Farmaajo uu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, kaddib markii ay muran ka dhalatay xil ka qaadistaas, kana soo horjeesteen Xildhibaano iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday.
Jen. Muungaab oo horay u soo noqday Garsoore iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo tan darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in hadii uusan jirin Guddigii Adeegga Garsoorka in Madaxweynuhu awood u leeyahay xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
“Mar haddii uusan jirin Guddigii adeegga garsoorka, Madaxweynaha ayaa awood u leh xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka”ayuu yiri Jen. Muungaab oo qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku yiri.
Waxaa uu sheegay in aanu dalka ka jiri karin gaab qaanuuni ah, isla markaana ay aheyd arrin loo baahnaa in Madaxweynuhu ka jawaabo cabashada Bulshada, si loo helo Garsoor hufan.
Jen. Muungaab ayaa sanadkii hore Jaamacadda Umudurmaan ka diyaariyay shahaadada labaad ee Master-ka daraasad ku saabsan sharciga iyo Qaanuunka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com