Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askar la sheegay iney ka soo goosteen Cabdirashiid Janan oo tiradooda la shaaciyey

Maamulka gobolka Gedo iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka ee ku sugan degmada Beledxaawo ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen askar ka soo goosatay ciidamada Jubbaland ee ku sugan gudaha Kenya, gaar ahaan aagga magaalada Mandhera.

Askartaan isa soo dhibtay ayaa tiradooda lagu sheegay 14 askari oo ku hubesan qoryahoodii, waxaana sidaan oo kale xalay isku soo dhiibtay sideed askari, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada ee ku sugan Beled-Xaawo.

Ciidamadaan waxaa la sheegay inay ka amar qaadanayeen wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, waxay arrintaan ku soo aadeysaa xilli uu shalay iclaamiyey inuu dagaal ku qabsan doono Beled-Xaawo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan uu qabsan lahaa Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh oo la joojiyey

Caydiid Ali

Ciidanka Liyu Boolis oo soo bandhigay Maxaabiis & hub ay ka qabsadeen Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo magacaabay Saddex guddoomiye degmo uu ku jiro Nin caan ka ah baraha bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---