Allbanaadir.com
NEWS

Cumar Dhalaxow oo galabta lagu dilay Muqdisho iyo Gudoomiye Mursal oo ka hadlay

Kooxo hubeesan oo gaari watay ayaa galabta degmada Waabari ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Cumar Dhalaxow oo kamid ahaa Shaqaalaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Marxuum Cumar Dhalaxow oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho.

“Allaha ha u naxriisto Cumar wuxuu ahaa wiil dhalinyarro ah oo ka mid ahaa Hawlwadeenada Golaha Shacabka maanta ayaa iyadoo uu soomanyahay Waxaa dilay kooxo manaxyaal oo caadeystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana Alle ka baryayaa in Janatul Fardowso uu ka waraabiyo ,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo, Anaga iyo guud ahaan qoyskiisaba samir iyo iimaan Allaha hanaga wada siiyo, Sidoo kale waxaan Caafimaad deg deg ah u rajeynayaa Cali Dheere oo marxuumka la socday dhaawacna uusoo gaaray” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri “Waxaan rajeyneynaa in kuwii ka dambeeyay dilka  xaq darada ah ee loo geystay Marxuum Cumar laamaha amaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan, islamarkaana cadaalada la hor keeni doono”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xukuumada Somalia oo War ka soo saartay qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Aabe Sacuudiyaan ah oo baraha buslshada ku baahiyay Muuqaal caro badan abuuray oo la xiray

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo Beesha Caalamka kala hadlay arimaha Doorashada (Sawirro)

Cabdi Cade