Allbanaadir.com
NEWS

Wakiilada Beesha Caalamka oo Cadaadis saaraya Madaxweyne Farmaajo si uu u Ogolaado..

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta Villa Soomaaliya kulan xasaasi ah ku dhax maro qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida aan xogta ku helnay kulankan ayaa la filayaa in wakiilada beesha Caalamka cadaadis ku saaraan Madaxweyne Farmaajo si uu u ogolaado kulanka ay ku baaqeen Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale la filayaa in looga hadlo muranka doorashada ka taagan iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay oo raali laga wada yahay.

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay kulanka ay ku baaqeen Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxa ayna Beesha Caalamka ka shaqeeneysaa sidii mar kale kulan u dhax mari lahaa Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Mdaxweyne Guudlaawe & Raisul Wasaarihii hore? (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay Masuuliyiin iyo saraakiil kasoo jeeda Itoobiya iyo Eritrea

Cabdi Cade

(Sawirro) Aadan Madoobe oo dhambaal ka gudoomay danjire Max’ed Ibrahim Yuusuf

Caydiid Ali
Taboola Ads ---