Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Mareykanka oo Fariin cad u dirtay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamulada

Safaarada dowlada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku baaqday mar kale in xal laga gaaro khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya si dalka uga dhacdo doorasho loo dhan yahay raalina laga wada yahay.

War kooban oo kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay hogaamiyaasha Soomaalida sida Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka in ay xaliyaan khilaafka doorashada ka taagan.

“Waxaan ku boorrinaynaa Farmaajo, Deni, Jubbaland [Madoobe],QoorQoor, Guudlaawe iyo Laftagareen in ay xalliyaan arrimaha taagan hadda, si Soomaalidu u helaan doorashooyin nabdoon oo u qalma” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Safaarada Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqbali doonin doorasho hal dhinac iyo kuwa is bar baryaac ah, waxa ayna safaarada sheegtay in muhiim tahay in in madaxda Soomaalida qaataan go’aan xal looga gaarayo khilaafka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaari goor dhow ku qarxay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Madaxweyne Geelle oo la kulmay Gabdhaha Agoonta ee Iskuulka Boondheere (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo”Ciidanka xoogga Guulo ayay ka soo hooyeen la dagaalanka Shabaab !!

admin
Taboola Ads ---