Allbanaadir.com
NEWS

Ninka loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare oo la sheegay in Ilmo habreed yihiin Ra’isul Wasaare ….

Waxaa dood dhinaca sharciga ah ka taagan tahay Xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku sameeyay Gudoomiyihii Maxkamada sare ee dalka iyo magacaabista Gudoomiyaha cusub.

Xildhibaano , Aqoonyahno iyo Siyaasiyiin badan oo arintan ka hadlay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaabka Madaxweyne Farmaajo u maray xil ka qaadista iyo magacaabista Gudoomiyaha Maxkamada sare.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan wax ka dhiga Jaamacad kutaala dalka Mareykanka ayaa shaki galiyay in ninka loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka uu xilkaasi u qalmo.

Waxa uu sheegay Samatar in wax lala yaabo oo Jariimo ah ay tahay in nin aan Maxkamad fariisan inta lasoo boobsiiyo laga dhigo Gudoomiyaha Maxkamada sare, waxa uuna xusay hadii taasi dhab noqoto in halis galineyso shaqada Madaxweynaha.

”Waxaa layaab leh nin aan weli Maxakamad ku fariisan, in la soo boodsiiyo oo Gudoomiye looga dhigo Maxkamaddii Qaranka ugu sareysay, taasi waa waa jariimo weyn, hadii ay arintan run noqoto waxa ay halis galineysa shaqada Madaxweynaha’ Ayuu yiri Prof Samatar

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale sheegay in Gudoomiyaha loo magacaabay Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ay ilmo habreed yihiin Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, waxa uuna tilmaamay in taasina shaki badan keeneyso.

Magacaabista iyo xil ka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada sare ayaa abuuray xiisad cusub, waxaana dadka Siyaasada falanqeeya aaminsan yihiin in Madaxtooyada dooneyso in meesha laga saaro dadka xilalka haya aysan isku afkaarta aheyn.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad kutaala Boosaaso oo xukun dil ah ku riday haweeney xatooyo geesatay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Garab istaag u balan qaaday Madaxweynaha Sudan (Sawirro)

Cabdi Cade

Cumar Filish oo Hadiyad Gudoonsiiyay Duqa magaalada Durban (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade