Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Janan oo ku dhawaaqay dagaal, digniin culusna siiyey shacabka Belad-xaawo

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa ka dhawaajiyay ineysan u dulqaadan doonin wixii ka dhacay Beledxaawo isla markaana ay tallaabo qaadi doonaan.

Janan ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ciidamada dowladda ee ku sugan Beledxaawo, wuxuuna shacabka ugu baaqay iney isaga baxaan magaalada.

C/rashiid janan ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay xildhibaano ka tirsan Jubbaland iyo Saraakiisha ciidamada Daraawiishta maamulkaas, kaasoo looga hadlay xiisada ka taagan degmada Belad-xaawo.

Wasiir Janan ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu hurinayo dhibaatooyinka ka jira Beled-xaawo, uuna masuuliyadeeda qaadi doono wixii dhibaato ah ee ka yimaada.

Dagaal saacado socday oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo uu hogaaminayo wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa dhowaan ku dagaalamay degmada Belad-xaawo kaasoo geystay khasaare nafeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo talaabo kale u qaaday sidii ay Somalia uga joojin laheyd dacwada Badda

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowlada Federaalka

Cabdi Cade

In ka badan 200- Sargaal oo loo xiray Afgembigii fashilmay ee ka dhacay Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---