Waxaa galabta siyaabo kala duwan dilal uga dhaceen xaafado katirsan magaalada Muqdisho, xili magaalada ka howl galayaan ciidamo badan oo loogu tala galay xaqiijinta amaanka Caasimada.
Kooxo hubeesan oo watay gaari nuuca raaxada ah ayaa galabta weerarka ku qaaday gaari uu la socday nin la sheegay in uu katirsan yahay Shaqaalaha Baarlamaanka, weerarkan ayaa ka dhacay Degmada Waabari gaar ahaan dhabarka dambe Hotelka Kuwait Place.
Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa lagu dilay nin kamid ahaa shaqaalaha Baarlamaanka oo la socday gaariga rasaasta lagu furay, waxaa sidoo kale rasaasan la sheegay in qof kale ku dhaawacmay.
Ciidamo katirsan Xaslinta ayaa gaaray xaafada dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada baaritaano ay sameeyeen kadib markii dambe isaga tageen goobta iyaga oon soo qaban kooxdii dilka geesatay.
Dhinaca kale kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa galabta askari katirsan ciidanka dowlada waxa ay ku dileen Isgooska Maana-boolyo ee degmada Shibis, waxaa sidoo kale kooxdaasi dhaawaceyn haweeney jaad ka ganacsaneeysay.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ragii dilka geestay goobta si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana soo baxaya warar sheegaya in kooxda dilka geestay horey usii qaateen qoray uu watay askariga la dilay.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dilalka qorsheesan ay geestaan kooxaha hubeesan, ciidamada amaanka ayaana ku guul dareestay xaqiijinta amaanka iyo in ay soo qabtaan kooxaha dilalka geesta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com