Allbanaadir.com
NEWS

Shir looga hadlayay Xasilinta amaanka dalka oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirro_)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shir heerkiisi sareeyo oo looga hadlayay xasilinta amaanka dalka, waxaana shirka Shir gudoominayay Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Mohamed Sabriye.

Shirkan waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Xubno ka socday maamul goboleedyada dalka ka jira iyo Wakiilo matalayay Beesha Caalamka iyo Ciidamada AMISOM.

Waxaa intii shirka socday looga dooday qorshaha xasilinta dalka iyo sida ugu macquulsan, waxaana Madaxdii iyo dadkii kala duwanaa ee shirka ka qeyb gashay ka dhiibteen arigtidooda ku aadan sida dalka loo xasilin karo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Gobolka  uu wado dadaalo lagu xasilinayo amniga caasimada oo hada meel wanaagsan maraya.

Waxa uu sheegay Yariisow in ciidamada amaanka ee ka howlgala magaalada Muqdisho ku guuleesteen fashilinta falal amaan daro oo Caasimada laga geesan lahaa, waxa uuna xusay in ciidamada amaanka diyaar u yihiin xaqiijinta amaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya muadne Cabdi Mohamed Sabriye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xasilinta dalka iyo bad baadinta shacabka, waxa uuna ugu baaqay shacabka in ciidamada amaanka la shaqeeyaan.

Magaalada Muqdisho ayaa marar badan lagu qabtay shirar looga hadlayo xasilinta amaanka guud ee dalka gaar ahaan Caasimada, waxaana aad u yar miro dhalka kasoo baxa shirarkan la qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo saakay inta badan xiran (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Hub Sharci daro ah oo ay leeyihiin Dowladaha Ruushka iyo Shiinaha oo la qabtay

Cabdi Cade

Maxkamadda Racfaan oo maanta go’aan kasoo saareysa Kiiska Sayid-Cali Macalin Daa’uud

Cabdi Cade
Taboola Ads ---