Allbanaadir.com
NEWS

Qoraal lasoo dhigay Twitterka Ra’isul Wasaare Abiy xili xaaladiisa Shaki la galinayo

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka taagan hadal heyn badan oo ka dhalatay xaalada uu ku sugan yahay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, oo maalmo badan maqalkiisa iyo muuqiisaba la waayay.

Baraha bulshada ayaana lagu hadal hayaa xaalada Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxaana warar kala duwan dadka ka sheegayeen xaaladiisa ,iyadoona dadka qaar shaki galinayeen nolosha Ra’isul Wasaaraha halka dadka qaarna tilmaameen in uuba dhintay.

Twitterka Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa maalmo badan kadib lasoo dhigay qoraal xili wali ay dadku shaki galinayaan xaalada caafimaad iyo mida nololeed uu xiligan ku sugan yahay Abiy Axmed.

Abiy Axmed wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraallo uu ku amaanayo hogaamiyeyaasha maamulada Oromada iyo Soomaalida gaar ahaan tagaeerada ay u muujiyeen dowladda Federaalka.

Dowlada Itoobiya ayaa dadka isticmaala baraha bulshada uga digtay wararka la faafinayo ee la xiriira xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, kaasoo aan muddo labo isbuuc ah lagu arkin goob fagaare ah

Hay’dda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya ee NISS, ayaa wacad ku martay inay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku share gareeya wax ay ugu yeertay wararka marin-habaabinta ah ee ku saabsan caafimaad ee Abiy .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/vHyHdrCCIp4

Related posts

Kenya oo laga cabsi qabo in duufaano ku dhuftaan iyo Madaxweyne Ruto oo digniin diray

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo ka soo horjeesatay hadal ka soo yeeray urur goboleedka IGAD

Caydiid Ali

Somalia oo loogu deeqay $100 Milyan ka dib kulan dhexmaray Xassan Shiikh & Rishi Sunak

Caydiid Ali
Taboola Ads ---