Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Weerar khasaare geystay oo ka dhacay degmada Diinsoor

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhacay goob maqaahi ah oo ku taalla degmada diinsoor ee Gobolka Baay, kaasoo khasaaro kala duwan geystay

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa la dhigay Geed ku yaalla Maqaahida oo xilliga qaraxa uu dhacayay ay ku sugnaayeen Ciidamo iyo dad Shacab ah.

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaasoo ay ku jireen Haweeneyda Maqaahida leh, laba askari, Guddoomiye laameed hore iyo ilmo yar sida wararku sheegayaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Saldhiga Booliska degmada Diinsoor ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxa, kaasoo aan la ogeyn natiijada ka soo baxday.

Dadka degmada Diinsoor ayaa gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobay qaraxa, waxaana la geeyay Isbitaalka degmada diinsoor oo haatan lagu daweynayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/vHyHdrCCIp4

Related posts

Federaalka Soomaaliya Ma Ku Badbaadi Doonaa Dadaalka Gudoomiye Cabdi Xaashi ?

Cabdi Cade

Ciidanka Deegaanka Xamar oo fuliyay Amar kasoo baxay Duqa Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Sirdoonka Ruushka oo qabtay ninkii fuliyey dilka Jen. Igor Kirillov

Caydiid Ali
Taboola Ads ---