Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamada ciidamada Puntland oo xabsiga la dhigay (Sababta)

Maamulka Puntland ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ay xilkooda ku waayeen, loona xiray in ay sii daayeen dad ku eedeeysan inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in mas’uuliyiintaan oo ka howlgalayay magaalada Gaalkacyo ay hadda ku socdaan baaritaano lagu ogaanayo sababta ay kusii daayeen dad Shababnimo ku eedeeysnaa.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in ay jiraan odayaal reer Puntland ah oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo amarrada ka qaata Al-Shabaab, isla markaana uu maamulku si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqa odayaashaas.

“Waxaa jiray shakhsiyaad taleefanadooda la dhegaystay oo amarrada kasoo qaata meelo kale. Dadka noocaas ah ciddii koofiyada saaratay, haddii ay ogaan la haayeen shaqooyinka ay qabtaan xaaladdu si kale ayay noqon lahayd,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/vHyHdrCCIp4

Related posts

Dad carreesan oo gaari Ambalaas ah ku dhax dilay nin bukaan ah !

Cabdi Cade

Ciidanka dowladda oo kaabiga ku haya Wabxo iyo Dagaal culus oo socda

Cabdi Cade

Ra’isul Rooble oo qaabilay Kate Foster kalana hadlay arrimo muhiim ah (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---