Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sirdoonka Itoobiya oo digniin ka bixiyey Wararka la xiriira xaalada RW Abiy Ahmed

Itoobiya ayaa dadka isticmaala baraha bulshada uga digtay wararka la faafinayo ee la xiriira xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, kaasoo aan muddo labo isbuuc ah lagu arkin goob fagaare ah

Hayadda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya ee NISS, ayaa wacad ku martay inay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku share gareeya wax ay ugu yeertay wararka marin-habaabinta ah ee ku saabsan caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha.

NISS ayaa sheegtay in wararka noocaas ah ay khalkhal galinayaan amaanka waddanka “”Laga billaabo hadda, looma dulqaadan doono wararka been abuurka ah ee baraha bulshada lagu hadal hayo, dacwad ayaana lagu soo oogi doonaa qof walba oo lagu helo falkaas khatarta galinaya amniga qaranka iyo jiritaanka waddanka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Markii ugu dambeysay ee uu Dr Abiy Axmed kasoo muuqdo fagaare waxay ahayd markii ay taariikhda uu waddankaas isticmaalo ku beegneyd Talaadadii, 13-kii bishii December, 2013.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhacdo dad badan ka naxeen oo ka dhacday magaalada Muqdisho iyo Ciidamo badan oo …

Cabdi Cade

Madaxweyne hore Waare oo shaaciyay in Colaad laga dhax abuurayo Xawaade iyo Abgaal

Cabdi Cade

Wargays ka soo baxa Maraykanka oo amaanay Talooyinka Nabi Max’ed CS ee ku aadan Cudurada & Nadaafadda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---