Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay degaanka Seydheelow

Ciidamada Milateriga Somalia ayaa weeraray degaanka Seydheelow oo 35km Waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay Al-Shabaab ay gacanta ku heysay.

Dagaal culus ayaa labada dhinac halkaas ku dhexmaray, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ciidamada xogga dalka ay markii dambe la wareegeen degaankaas.

Taliyaha Booliska Gobolka Bay ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Gaashaanle Sare Amiin Maxamed Daruur ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac ay halkaasi ugu geysteen Al-Shabaab, ayna degaanka iminka ay gacanta ku hayaan.

“Howlgalkan waxaa lagu dilay 7-ka tirsan a Al-Shabaab, degaankana hadda waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda, shacabkuna waa laga dulqaaday dhibtooda”. ayuu yiri taliye Amiin.

Waxaa uu xusay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Seydheelow ay ka dambeysay kadib markii shacabka deegaanka uu codsi kaga yimid si looga dulqaado Al-Shabaab.

Ma jiraan warar madax banana oo laga helayo dagaalkaas iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay, Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalkii Itoobiya oo xoogeystay & Magaalooyin ciidanka dowlada laga qabsaday

Caydiid Ali

Daawo Sawiro laga soo qaaday Madaafiic maanta ku dhacday xarunta Xalane

Cabdi Cade

Rooble oo War ka soo saaray lix Senator oo maanta lagu doortay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---