Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Midowga Afrika oo War ka soo saaray Xiisada ka aloosan xadka Somalia iyo Kenya

Guddoomiyaha Midowga Africa Musa Faki Mahamat ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xiisadda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ka dib dagaalo shalay halkaas ka dhacay.

Muusa Faki Mahamat ayaa farriin uu ku qoray bartiisa twitter-ka ku sheegay inuu ugu baaqayo labada waddan ee deriska ah inay muujiyaan dulqaad ayna wadahadal yeeshaan, iyagoo raacaya hannaanka wadahadal ee urur Goboleedka IGAD.

Muusa Faki Mahamat waxa uu sheegay in nabad ka jirta xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka.

Hadalka Guddoomiyaha guddiga maamulka hawlaha Midowga Afrika ayaa imanaya maalin kadib markii dagaallo ay ka dheceen magaalada Beled Xaawo ee dalka Soomaaliya oo ku taalla meel u dhow xuduudda Kenya.

Dagaalladan ayaa dawladda Soomaaliya sheegtay inay soo qaadeen jabhad fallaago ah oo ay soo hubaysay Kenya ayna weheliyeen ciidamada Kenya, inkastoo Dawladda Kenya ay beenisay eedeymahaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiin katirsan dowladda oo Su’aallo laga weediiyay xisaab xirka Miisaaniyadda ee…

Cabdi Cade

Su’aal sharci ah oo ka dhalatay xilka cusub ee loo Magacaabay C/raxmaan C/shakuur

Caydiid Ali

Xiliga iyo goobta ay ku kulmayaan Madaxda labada Kuuriya oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---