Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo Qaabiley Ole Thonke iyo Waxyaabihii ay kawada hadleen

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta Madaxtooyada Hargeysa ku qaabilay safiirka dalka Denmark u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ole Thonke oo Hargeysa u tagay safar shaqo.

Waxaana Kulankan dhax maray Muuse Biixi iyo Danjire Ole Thonke lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Somaliland oo lagu wado in ay dhacaan  31/05/2021.

Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dimuquraadiyadda iyo arrimaha bulshada, sanduuqa horumarinta Somaliland  oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay dawladaha ku midoobay iyo horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga yaryar.

Waxaanu safiirku xusay inay ka dal ahaan halkii ka sii wadi doonaan dhaqaalihii ay horeba ugaga qayb qaadan jireen arrimaha bulshada iyo horumarka ka socda deegaanada maamulka Somaliland.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxwweynaha  Somaliland, dawladda Denmark uga mahadnaqay dedaalka iyo garab istaagga ay Somaliland la barbartaagan tahay marwalba, waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Denmark inay ka mid noqotay dalalkii ugu horreeyey ee Somaliland ka furta xafiis ka shaqeeya danaha labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir si adag uga hadlay dulmi iyo caddaalad daro weyn uu arkay

Cabdi Cade

IMF oo Shaacisay in Soomaaliya ka gudubtay Hannaanka dib u eegista barnaamijka Deyn cafinta

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo fagaare ku yaalla degmada Jilib ku toogatay labo nin oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---