Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Beyle oo ka laabtay Hadal shalay uu shaaciyay si kalana Warka u rogay

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka laabtay hadal shalay kasoo yeeray oo ku aadanaa in Dowlada fasaxday Jaadkii dalalka Kenya ku jirto laga keeni jiray ayna cid kasta dalka keeni karto hadii wado sharci ah usoo maraan.

“Waxaa cadeynayaa in Qaadka uusan cidna u xirneen oo meel walba oo dalka laga soo galin karo haddii waddo sharci ah loo soo maro” ayuu shalay yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka ayaana loo fasirtay in dowlada fasaxday jaadkii dalka la keeni jiray uu ku jiro midka Kenya maadaama uusan Wasiirka sheegin dal gaar ah, waxaana hadalkaasi ka dhashay hadal heyn badan oo sababtay in wasiirka warkiisa dhinac u dhigo.

Wasiirka Beyle ayaa sheegay maanta in hadalkkiisa si kale loo fasirtay, waxa uuna tilmaamay in kaliya uu ka hadlayay jaadka dalka la keeni karo midka hereriga ah ee laga keeno dalka Itoobiya uu sheegay in qolyo gaar ah xirteen.

“Hadalkeyga wuxuu daba socdaa kii shalay. Waxaan ka hadlay oo aan doonayaa in aan caddeeyo Qaadka Hereriga ee dadka qaarkood ay sheegeen in uu dad gaara u xiran yahay. Hadii si khaldan loo fahmay arrintu Qaadka Hereriga kaliya ayay ku saabsan tahay” ayuu ku yiri Muuqaal uu Wasiirka manata soo duubay.

Dowlada Soomaaliuya ayaa horey u joojisay in dalka la keeno jaadka Miirowga ee laga keeno dalka Kenya , waxa ayna dowlada Soomaaliya shuruudo ad adag ku xirtay in dib loo fasaxo jaadka Kenya, waxaana hadalka Wasiirka shalay abuuray hadal heyn badan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dugsiga Alshaadiri Quran Online oo Fursad u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

DF oo dib eegis ku sameyneysa Mushaharka Shaqaalaha rayidka

Caydiid Ali

Kulan Xasaasi ah oo hada ka socda Villa Soomaaliya iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---