Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Koox Burcad badeed ah oo afduubatay Markab laga leeyahay dalka Turkiga

Turkiga ayaa sheegay inuu ciidamadiisa u direyo galbeedka Afrika si ay u soo furtaan Markab dalkaasi laga leeyahay oo shalay ay xeebta dalka Guinea ka qafaasheen Burcad-badeed ah oo halkaas ka qowleysta.

Markabka M/V Mozart ayaa ka dhaqaaqay dekada magaalada Lagos ee dalka Nigeria, isagoo ku sii jeeday magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ka hor inta aysan burcad badeedu qabsanin.

Burcad badeeda ayaa gacanta ku dhigay markabka ka dib markii dagaal gacan hadal ah uu dhexmaray shaqaalaha markabka iyo burcadda.

Wararka ayaa sheegaya in burcad badeedu dileen mid kamid ah shaqaalaha Markabka, 15 kalena nolol ku afduubteen.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in ninka la dilay lagu magacaabo Farman Ismayilov una dhashay dalka Azerbaijan, dhamaan shaqaalaha kale ayaa kasoo jeeda dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano dowlada Mucaarad ku ah oo ku shirsan Imaaraatka Carabta

admin

Madaxweyne Erdogan oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Sudan (Daawo Sawirada)

admin

Agaasime doonayey inuu isku qarxiyo xarunta Gobolka Banaadir oo la qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---