Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Afrika oo ka hadlay Farogelinta Wadamo Shisheeye ku hayaan Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa walaac xoogan ka muujiyay farogelin dowlado shisheeye ku hayaan dowlada Soomaaliya , waxaana Midowga Afrika sheegay in farogelintaasi caqabad ku noqoneyso amaanka iyo Horumarka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Midowga Afrika  Musa Faki Mahamed, ayaa walaac xoogan ka muujiyay farogelinta Shisheeye ee xiligan lagu hayo Soomaaliya, kadib kulan uu magaalada Adis Ababa kula qaatay Ra’isaul Wasaaraha Soomaaliya.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Musa Faki iyo Ra’isul Wasaare Kheyre kawada hadleen arimo dhowr ah ay kamid ahaayeen amniga , Siyaasada iyo sidoo kale Khilaafka u dhaxeeya dowlada iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Qoraalka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu sheegay farogelinta dowlado shisheeye oon la magacaabin ku hayaan Soomaaliya dhibaato weyn ku tahay dhismaha nabadda iyo horumarinta dalka ka socda.

”Farogelinta lagu hayo Somalia waxa ay carqalad ku tahay Dhismaha Nabadda iyo Dowladeed ee haatan ka socota Somalia, waxay kaloo khatar ku tahay guushii adkayd ee laga gaaray Hawlgalkii wadajirka ee Ciiddanka Somalia iyo kuwa AMISOM” Ayuu yiri Faki.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay wadamada Shisheeye ee Farogelinta ku haya Soomaaliya in ay faraha kala baxaan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayna joojiyaan Fal kasta oo wax u dhimaya Nabada iyo horumarka Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa xiligan la kulmeysa farogelin iyo cadaadis uga imaanaya dowlado shisheeye, waxaana dowladaha farogelinta ku haya Soomaaliya abuureen khilaafka ka dhax aloosan dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Degmo ka tirsan Muqdisho oo la dhisay ka dib qarax horey loogu burburiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Gantaalo lagu weeraray Israel & khasaare ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xus weyn iyo isku soo bax maanta ka dhacay Isgoyska Zoope (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---