Waxaa saakay barqadii banaan bax kooban ay ka qeyb galeen dad aan sidaa u badneed uu ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka jaarka ah ee wadajir iyo Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir.
Banaan baxayaasha oo u badnaa haween ayaa watay boorar lagu xardhay Sawirka Madaxweyne Farmaajo, laguna qoray erayo ay kamid yihiin, Dhalinyaradii aad geysay ereteriya meel ku sheeg, farmaajo waa qaran dumis iyo Erayo kale.
Qaar kamid ah dadka dhigayay banaan baxa oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in dhalinyaro badan u daabulay dalka Eritrea ayna halkaasi ku dhinteen qaarkood kuwa kalana dagaal la galiyay.
Shacabka banaan baxa dhigayay ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu is casilo , waxa ayna sheegeen in Madaxweynaha ku fashilmay balan qaadyadii uu sameeyay sidoo kale doonayo in dalka ka qabto doorasho aan loo dhameyn.
Ciidamo katirsan booliiska gobolka Banaadir oo tagay goobta banaan baxa ka socday ayaa awood u adeegsaday dadkii halkaasi isugu soo baxay kuna qasbay in goobta ay kala tagaan dibna ugu laabtaan guryahooda.
Waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay in uu ogolaado doorashada, sidoo kalena Bulshada Muqdisho aysan dooneyn dagaal iyo in Magaalada Muqdisho laga qaxo.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka uu banaanbaxa ka socday, iyaga oo kala eryay dadkii banaanbaxayaasha ahaa, si lamid ah sidii horay uga dhacday Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com