Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Carbeed oo saxiixay in xukun dil ah lagu fuliyo maxaabiis ka badan 340

Madaxweynaha Ciraaq, Barham Saalex ayaa ansixiyay in dil toogasho ah lagu fuliyo in ka badan 340 maxaabiis ah oo lagu helay dambi ah inay argagixiso ahaayeen iyo dambiyo kale.

Faahfaahin lagama bixin kiisaskan balse xabsiyada Ciraaq waxaa ku xiran dad badan oo looga shakiyay inay ka tirsanaayeen ururka la magac baxay dowladda islaamka.

Dadka ka faalooda arrimaha Ciraaq ayaa sheegayaa in arrintan shaaca laga qaaday ee ku saabsan xukunka dilka ah ay walaac ka muujin doonaan dadka u ololeeyo xuquuqul insaanka.

Waxay sheegayaan inay soo badatay in la jirdilo maxaabiista si ay u qiraan dambiyada lagu soo eedeeyay isla markaana maxkamadeyntooda lagu deg dego.

Ciraaq ayaa ka mid ah dalalka caalamka ee ay faraha kulul ku hayaan kooxaha loo yaqaan argagaxisada oo dalkaas ka geystay weeraro iyo dagaalo uu dhiig badan ku daatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Goodax oo gaaray Belad-weyne & Dabageed oo 72 Saacadood loo qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Itoobiya oo Heshiis milatari la saxiixatay Ruushka xili xaalad adag wajaheyso

Cabdi Cade

Howlgalo ka dhan ah dadka Sharci darada ku jooga Mareykanka oo bilowday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---