Allbanaadir.com
NEWS

Wiil Afrikan ah oo Halyeey ka noqday Faransa laguna casuumay Madaxtooyada (Daawo Sawirro)

Wiil Soogalooti Afrikan ah ayaa qabsaday baraha bulshada iyo Warbaahinta dalka Faransiiska, kadib markii wiilkaasi si lama filaan ah u bad baadiyay nolosha wiil yar oo ka laad laada biyaanada afaraad dabaq kuyaala magaalada Paris.

Mamoudou Gassama oo ah 22 jir kasoo tahriibay dalka Mali ayaa la kulmay wado dad badan buuxaan, waxa uuna arkay wiil 4-sano jir ah oo kasoo laad laada biyaana afaraad Dabaq dheer noloshiisana ay halis ku jirto.

Wiilkan ayaa si deg deg ah u fuulay dabaqa afaraad waxa uuna bad baadiyay wiilkii yaraa ee dabaqa ka laad laaday, waxaana muuqaal laga duubay qaabka layaabka laheyd ee Gassama u bad baadiyay wiilkan si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku amaanay Wiilkan soogalootiga ah ficilka wanaagsan uu sameeyay, waxa uuna Madaxweynaha wiilkan ku casuumay maanta oo Isniin ah aqalka looga taliyo Faransiiska si uu ugu mahad celiyo.

Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa ammaantay halyaynimada uu sameeyay wiilka 22 jirka ah ee kasoo safray dalka Mali ,waxayna sheegtay in ay wacday si ay ula kulanto ugu mahadceliso badbaadinta uu sameeyay.

” Gassana Wuxuu ii sheegay in uu bilo ka hor ka yimid Mali uuna ku riyoonayo in uu nolol ka samaysto halkan, waxaan ugu jawaabay geesinimada aad muujisay ayaa tusaale u ah reer Paris oo dhan, wayna caddahay in Paris ay kugu taageeri doonto dadaalka aad Faransiiska ku dagayso”. Ayey tiri Duqa Paris.

Wiilkan Afrikaanka ayaa dalka Faransiiska looga aqoonsaday Halyey, waxa uuna ninkan magac iyo sumcad ku helay badbaadintii cajiibka aheyn uu ku bad baadiyay nolosha wiilka 4-sano jirka ahaa ee dabaqa kasoo laad laaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sii hayaha RW dalka oo ka gudoomiyey shir looga hadlay soo saarida Shidaalka Somalia

Caydiid Ali

Burcad dhac u geesan jiray Shacabka Muqdisho oo xukun lagu rida (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo soo saaray wareegto uu ku dhaqan-gelinayo labo xeer oo Doorashooyinka khuseeya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---