Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Muqdisho kula kulmay Nocolas Berlanga (Sawirro)

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka midowga yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.
 
Kulanka dhax maray Cali Guudlaawe iyo Amb Martinez  ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Arrimaha Dib u Heshiisiinta, hirgalinta iyo fulinta mashaariic horumarineed oo muhiim ah, iyo dhameystirka goleyaasha deegaanka Degmooyinka Hirshabeelle.
 
Waxa sidoo kale labada masuul kulankooda uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan muranka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa muranka taagan.
 
Madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo howlo shaqo maalmahan u jooga magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiirka Qadar oo amar ku bixiyay in Soomaaliya loo diro gar gaar caafimaad oo deg deg ah

Cabdi Cade

Gudoomiye Cabdiwali Colaad Gaatamow oo caawa lagu dilay degmada Afgooye

Caydiid Ali

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo Qodobada looga hadlayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---