Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyihii Maxkamada sare oo ka hor yimid xil ka qaadistii Farmaajo ku sameeyay

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa kasoo horjeestay sharci darana ku tilmaamay xil ka qaadistii uu shalay ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Framaajo.

Ibraahim Iidle ayaa  sheegey in uu isagu wali yahay gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka , isla markaana aysan sharciga waafaqsaneyn xil-ka qaadistiisa, waxa uuna cadeeyay in Madaxweynaha hareer maray dastuurka..

Waxa uu sheegay Iidle in Dastuurka uu caddeynayo inay kala madax banaan yihiin Hey’addaha Fulinta, Garsoorka iyo Xeer sharci dejinta, isla markaana loo raacayo xeerarka nidaamka garsoorka qodobkiisa 23aad oo sheegaya sida shaqada uga fariisan karaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo xubnaha ugu sareeya oo ah da’da shaqada 65 sano.

Gudoomiyihii Maxkamada sare ayaa sheegay in wali uu xilka hayo uuna sii wadan doono shaqadiisa, waxa uuna cadeeyay in Garsoorku uusan aheyn xil siyaasadeed oo sidii la doono laga yeelo karo.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa shalay ku dhawaaqay in uu xilka ka qaaday Gudoomiyaha Maxkamada sare, waxaana shaki la galiyay sharci ahaanshaha wadada uu Madaxweynaha u maray xil ka qaadista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjire Wadaadi Walad (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Jawiga ciida ee Magaalada Jowhar iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Hay’ada Sirdoonka Ruushka oo Xog cusub ka bixisay weerarkii ka dhacay Moscow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---