Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Guuleed oo sharaxay Sababaha keenay amaan darada dalka kusoo korortay

Waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka kusii kordhaya falalka amaan daro sida dilalka qorsheesan, qaraxyada iyo dagaalo qaarkood salka ku haya qabaa’il.

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in falalka amaan daro ee sii kordhaya ee ka dhacaya qeybo kamid ah dalka sababeen madaxda iyo saraakiishii amnigu oo ku mashquulaan arrimaha siyaasadda iyo doorashada.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu soo saaray Musharax Guuleed

Waxaa muuqata in Dowladda Federaalka ah ay si buuxda u dayacday amnigii guud ee dalka gaar ahaan midkii caasimadda bilihi lasoo dhaafay, taas oo sababtay iney si weyn usoo xoogeystaan falalka kooxaha argagixisadaha ah. Waxaan ka tacsiyeynaya dhibaatooyinkii ka dhashay Qaraxyadii iyo weeraradii dalka ka dhacay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Markii madaxda iyo saraakiishii amnigu ku mashquulaan arrimaha siyaasadda iyo doorashada, waxa la filan karo waa iney cadowgu ka faa’iideystaan dayacaas jira. Dowladda Federaalka ah waxaan usoo jeedineynaa iney dib ugu celiso saarkiisha amniga shaqadooda si ay uga hortagaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka.

Waxaa lagu jiraa xilli doorasho. Waa waqti muhiim u ah dalka iyo dadka. Waxa suurtagal ah iney cadowgu maleegayaan dhibaatooyin waa weyn, oo u baahan in laga hortago, sidaa awgeed waa in gacana looga shaqeeya arrimaha doorashadda, gacanta kalana cadowga looga badbaadiya shacabka iyo masuuliyiinta.

Sidoo kale dadka reer Muqdisho waxaan ugu baaqaya iney si miir-qableh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor Qoor iyo Xildhibaano la socday oo Baydhabo lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Lacag lagu qiimeeyay 600-Halaad diyo ahaan ugu kala wareejisay Labo beel (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo isbadal ku sameeyay Guddiga Maaliyada (Akhriso)

Cabdi Cade