Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu jebiyey qodob ka mid ah dastuurka, isagoo ku baaqay in dacwad lagu soo oogo.
C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sharci daro ku tilmaamay xilka ka qaadista iyo magacaabista lagu sameeyey guddooomiyaha maxkamada sare, maadaama aysan arintaas soo jeedinin guddiga adeega garsoorka sida uu qorayo dastuurka kmg ah ee dalka.
Qoraalka C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa u qornaa sidatan:-
Madaxweyne Farmaajo wuxuu mar kale jebiyey qodob Dastuuri ah oo horseedi kara in la impeach gareeyo oo dacwad Xil ka qaadis lagu soo oogo. Qodobka 90ad ee dastuurka wuxuu qeexaya xilka iyo awooda Madaxweynaha. Faqrada (I) ee qodobkaas waxay leedahay;-
“Wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib” Ma jiro Gudiga Adeega Garsoorka oo arrinkaas u soo jeediyey.
Sidoo kale qodobka 109A ee Dastuurka wuxuu qeexaya xilka iyo awooda Golaha Adeega Garsoorka. Lambarka lixaad, faqradiisa A waxay cadaynaysaa awooda Gudiga Adeega Garsoorka ee magacaabista, anshax marinta iyo bedelaada Garsoorayaasha.
Cidna haatan kama qarsoona in Farmaajo uu ku hawlan yahay soo celinta rajiimkii kaligii taliska ahaa ee awoodaha laanta Fulinta, Sharci dejinta iyo Garsoorka hal gacan ku wada jireen. Waxaan kaloo ognahay shirqoolka ka dhex socda Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda Nabadsugida.
Waxaan ugu baaqayaa Xisbiyadda, inta Damiirka Dimoqoraadinimo leh ee labada Gole ku jirta, iyo Dawlad Goboleedyadaba in ka hor istaagaan inqilaabka uu Farmaajo dharaarta cad ku afgambinayo hay’adaha Dastuuriga ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com