Allbanaadir.com
NEWS

Joe Biden oo Raali galin ka bixiyay Ciidamo jiiftay goob baabuurta la dhigto (Sawirro)

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa raali galin ka bixiyay ciidamo katirsan milatariga dalka Mareykanka oo sawirro laga soo qaaday iyaga oo jiif goob baabuurta la dhigto oo kutaala xarunta Koongareeska ee Capitol .

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamadan oo jiifa goobta baabuurta la dhigto ee kutaala xarunta Capitol, waxa ayna ciidamadan kamid ahaayeen ciidamadii loogu tala galay ilaalinta amaanka Washigtin iyo xarunta Koongareeska.

Caasimada dalka Mareykanka ayaa la keenay in ka badan 25-kun oo askari oo loogu tala galay in ay ilaaliyaan amaanka Washigton intii ay socotay munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo dhacday 20-kii bishan.

Madaxweyne Joe Biden oo raali galin ka bixiyay in ciidamada jiiftaan goob baabuurta la dhigto ayaa sidoo kale ka codsaday madaxa ciidamada qaranka in uu raalli gelin ka bixiyo arrinta isla markaana soo jeediyo waxa laga qabano xaaladdaas.

Marwada koobaad ee dalka Mareykanka Jill Biden, oo booqatay qaar kamid ah ciidamada sugayay amaanka Washington ayaa uga mahad celisay sida ay amaanka u ilaaliyeen, waxa ayna hadiyad ahaan ugu qeybisay buskut .

Ciidamo badan ayaa lagu soo daadiyay magaalada Washington oo ka dhaceysay xaflada caleemo saarka Madaxweyne Joe Biden, waxaana cabsi laga qabay in rabshado sameeyaan taageerayaasha Madaxweynaha xilka ka degay ee Donald Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xidhibaano badan oo Soomaali ah oo lagu doortay magaalada London

Cabdi Cade

Imaaraadka oo kahor yimid qorshe Mareykanka ugu hiiliyay Maamulka Isra’il

Cabdi Cade

Madaxtooyada Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Deni (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---